Home arrow Siyaasadda | Somaliya arrow Weerar Xalay Lagu Qaaday Ciidamo ka Tirsan Booliska Magaalada Bosaaso
Halaagii Dhacay Looma Kala Harin
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:22
Date:30-11-2008
SOMALI STARZ TEAM IN SEATTLE XAWAALADA IFTIN
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:81
Date:23-11-2008
Somali Army 70´s and 80´s
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:246
Date:13-11-2008
BEST NIIKO-WAA IDILAA
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:369
Date:13-11-2008
Ciyaarah Dhaqanka Somali, Oromo, Cafar
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:135
Date:13-11-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

What type of government should Somalia have?
 
How do you rate President Abdullahi Yusuf?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Jun 28 2008
Weerar Xalay Lagu Qaaday Ciidamo ka Tirsan Booliska Magaalada Bosaaso
Written by Ali Moallim   
Saturday, 28 June 2008

Boosaaso, (insidesomalia.org)- Nin dablay ah ayaa xalay rasaas ooda kaga qaaday Ciidamo ka tirsan Booliska Magaalada Boosaaso xili ay marayaaan aga gaarka Hotelka Five Star ee Magaalada Boosaaso.

Rasaastaasi ayaa waxa ay sababtay dhaawac laba ruux oo mid ka mid ah uu ahaa Ciidanka Booliska ,waxaana dhaawaca labadaasi ruux loola cararay Isbitalka Bandar Qasim ee Magaaalada Boosaaso.

Ciidanka Booliska Magaalada Boosaaso ayaa rasaas ku kala eryay shacab goobta ku soo xoomay, isla mar ahaantana isku gadaamay goobta weerarka uu ka dhacay.

Ninkii dablayga ahaa ee weerarka ku soo qaaday Ciidanka ayaa halkaasi ka baxsaday,iyadoo aysan jirin ilaa iyo hada cid ka tirsan Maamulka puntland iyo kan Gobolka oo ka hadley weerarka lagu soo qaaday Ciidanka Booliska.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in Ciidanka weerarka lagu qaaday ay ahaayeen ilaalada Wasiirka amniga Dawlada Goboleedka puntland Cabdulahi Siciid Samatar.

Weerarka lagu qaaday Ciidanka Booliska Magaalada bosaaso ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xilli Ciidanka Booliska habeenadii ugu danbeeyay ay wadeen hawlgalo baaritaano ah oo amniga Magaalada lagu sugayo.

Inkastoo weerarada noocaan oo kale aysan ku badnaynM Bosaaso ayaa hadana waxa ay qayb ka yihiin falal amni xumo ah oo ku soo kordhaya qaybo ka mid ah Deegaannada uu ka taliyo Maamul Goboleedka Puntland.




Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >